W.Q Dr.
Abdulkadir Ali Bolay
Marka
hore waxaan hambalyo iyo boogaadin ba u dirayaa dhamaan
ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta
oo ah sannad guuradii 61aad ee guushii uu soo hooyey
xisbigii S.Y. L, waxaan ilaahay ugu
baryeenaa inuu naxriistiisa ku maneysto inta mootan
ee naftoodda u soo huray xornimadda aanu maanta haysano
, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay
ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed
na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka qaado .
Haddii aan dib u milicsaddo oo si kooban u xuso xisbigii
SYL waxaa dhidibadda loo dhigay 15.05.1943kii
oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 , kuwaasoo
ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar
daamadda gumeysiga uu leeyahay shacabka soomaaliyeed,
iyaga oo aad u diidan siyaasadda gumeysgia oo ahayd
qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil
isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo
taam ah loo gaarsiin lahaa .
Ururkaasi
wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo , isla
markii ba wuxuu dastuurkiisa ku soo bandhigay ama
ku xusay dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka
iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed .
Ururka SYL durbaddii ba wuxuu bilaabay inuu olole
naxriis la'aan ku qaado qabyaaladda iyo kuwa qabiilka
adeegsanaayo , taasoo si weyn uu ugu guuleystay in
qabyaaladda uu ka hor tago oo si tartiib tartiib ah
u dagaalamo .
Haddii aan xuso waxaa door weyn ka qaatay la dagaalankaasi
, dhallinyaraddii horseedka ka ahaa xisbiga oo ay
ka mid ahaayeen :-
1.
Adan Carte
2. Adan Gurey
3. Warsame Jooglaqe
4. Osman Galay
5. Maxamed Gaagaale
6. Cabdikariim Beerweyne
7. Warsame Joqof
8. Abuu Raas
Iyo
kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay
la dagaalanka qabyaaladda , kuwaasoo fahmay in qabiilku
caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed
.
Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo
af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed
.
Munaasabaddii
sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa
ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey
goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi
wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn, lana wacyi geliyo
dadweynaha soomaaliyeed sidii loo helo midnimo soomaaliyeed
oo loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations.
Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi
waxa hogaaminaayey :-
1.
Mudane Maxamed Ahmed Ottavio
2. Mudane Axmed Allore
3. Mudane Ladane
Iyo mudanayaal kale oo aan xusus ku soo koobi karin
balse , taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto
, Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka xuso
dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro
oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan
kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata
dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaradaasi
Somali Signal Squardro, kuwaasoo
ay ka mid ahaayeen :-
1.
Cabdiraxmaan Alfaas
2. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
3. Cabdi Adan
4. Cali Xirsi Jano gale
Waxaa kaloo xusid muddan dhallinyaraddii ku kala baahsaneyd
goboladdaasi, si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku
nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan
waddaniyadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed,
dhallinyaradaasoo gacan weyn ka geystay inuu najaxo
kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed
waxaa ka mid ahaayeen :-
1.
Maxamed Raaji Maxamed
2. Cali Food
3. Axmed Qamac
4. Xeero Xaaji
5. Ibraahim Baalay
6. Dheere Maxamed Shariif
7. Xasan Colow
8. Cabdulqadir Qararac
9. Adan Tasame
10. Xuseen Ramadaan
Iyo kuwa kale oo aan halkani aan ku soo koobi Karin
, guusha ugu weyn uu kormeerkaasi laga gaaray waxay
ahayd mideynta ummadda soomaaliyeed ee loo kala qaybiyey
5 qaybood , taasoo lagu qaybsaday shirkii Berlin ee
lagu qabtay sanadkii 1884kii.
Waxa ay koormeerayaashii ay caddeeyeen in ummadda
soomaaliyeed meel kastaba ha joogeen ay diyaar u yihiin
mideynta ummadda soomaaliyeed, isla markaasina waxay
xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka
soomaaliyeed ay tahay qabyaaladda oo ku abuurtay mujtamaca
soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan .
Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad
waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa
Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi
oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed
oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi , heesahaasi
waxaa ka mid ahaa :-
·
Soomaaliyey qabiil qabiilka daaya , soomaaliyeed qabiil
qaran ma dhiso
· Soomaaliyey toosooy toosooy isku tiirsanayey
, hadba kii taag daraney taageera weligiina .
· Soaomaaliyey daaya kani waa ugaas , kani
waa suldaan , kani waa islaw, kani waa malaaq .. waa
inaad ilawdaanee !!!!
Heesahaasi
waxay wax weyn ka tareen kordhinta wacyiga shacbiga
soomaaliyeed taasoo ay ku beertay wadaniyadda , oo
ay shacabka fahmeyn qiimaha ay leedahay waddaniyadda
. Markii shacabka soomaaliyeed uu gaaray bisaal una
fahamay qiimaha weyn ee ay leedahay waddaniyadda ,
ka dib ayaa loo tafaxaytay si loo dooni lahaa xornimo
iyo madaxbanaani iyo sidii looga hortigi lahaa xeeladdaha
uu adeegsado gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, ujeeddada
ka dambeysina ay ahayd in aan la gaarin midnimo soomaaliyeed
.
Taasoo guul u ahayd ururka SYL , inuu hor is taago
himilooyinkii gumeysiga uu ka lahaa ciidda soomaaliyeed
, ururka oo kalsooni ka haystay shacabka soomaaliyeed
ayuu guushaasi gaaray , kalsoonidaasi xoog leh ayaa
soo dedejisay in la gaaro xornimo iyo madaxbanaani
, taasina waxaa lagu gaaray midnimadda shacabka soomaaliyeed
.
Runtii
qabiilku wuxuu soo maray marxalado kala duwan,taasoo
ay sababtay burbur, kala daadsanaan , is aamin daro
, dhac iyo in xoog la isku sheegto , intaasoo dhan
ayaa qabiil u geystay shacbiga soomaaliyeed .
Arrimahaasi xanuunka badan waxay mar wali ba dhibaato
ku ahayd midniamadda iyo horumarka ummadda soomaaliyeed
.
Haddaba waxaa loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed
inuu hal hays ka dhigato
"Qabiil Qaran ma dhiso"si looga gudbo qabiilka
oo loogu gudbo waddaniyadda taasoo lagu gaari karo
horumar iyo midnimo isla markaasina lagu soo celin
karo qarannimaddii burburtay, calankii , haybaddii
, sharaftii iyo magacii ummadda soomaaliyeed oo baaba'ay
.
Maxaa yeelay waxa halkaani na dhegay waa qabiil, sidaasi
darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed uu fahmo
dhibaatadda ay leedahay qabyaaladda .
Dr. Abdulkadir Ali Bolay