W.Q
Cabdirashiid Caalim
E-mail:
reshidi@yahoo.com
Waxyaabaha
ay diinteenna sharafta lihi la gaar noqotay isla markaana
lagu ammaano ayaa
waxa ka mid ah waxa la yiraahdo "Al-tadarruj"
oo macnaheedu yahay kala horraysiinta
arrimaha ama go?aamada.
Qur'aanka
kariimka ah oo ah masdarka koowaad ee mudan inay muslimiintu
ka soo xigtaan hab
dhaqankooda ayaa waxa uu tilmaamayaa in markii laga
reebayay muslimiinta khamriga in la
marsiiyey marxalado kala duwan. Markii hore waxa lagu
tilmaamay in dhibkeeda iyo
danbigeedu ka badan yihiin waxtarkeeda ama nafcigeeda.
Markaas kadib waxa lagu amray
Muslimiintu inaysan salaadda u dhowaan ayaga oo sakhraansan.
Ugu danbeyntiina, waxa la
faray dadka Muslinka ahi inay khamriga ka fogaadaan
sideedaba maadaama ay camal shaydaan
oo wasakhaysan tahay.
Haddaba
Ilaahay Subxaanahu watacaalaa oo cid ka awood badani
aysan jirin ayaa waxa u
darsigaas noogu dhigay in ay muslimiintu arrimahooda
u dhowrtaystaan ayadoo la is farayo
samaha xumahana la iska reebayo, taasna loo marayo
tubta uu Alle jideeyay oo ah kala
horraysiinta. Waa in dacwada la hormariyo inta aan
wax walba la xeerin.
Shacabka
Soomaaliyeed oo waa Muslimiin. Waxaanse ognahay inay
daashadeen dagaallo sababay
inay jiil dhan garan waayaan waxa la yiraahdo nidaam
iyo kala dambayn, iyo xaaraam iyo
xalaal. Isla markaana, waxa ay jiilkani la kowsadeen
adduunyo qofku waxa uu doono
samaynayo oo wax hagaya ama wax celinayaa toona aysan
jirin.
Taas
waxa ka sii daran in jiilkaas kii ka horeeyay laftiisu
illaaway wixii samaha ahaa
maadaama ay xummaantu baahday. Sida darted, waxa la
dhihi karaa dadku waxay ay si aan
ku-talo-gal aheyn ay ula wada qabsadeen waxyaabo liddi
ku ah diinta, dhaqanka suuban iyo
horumarka bani-aadamka.
Dabcan,
waa waajib diini ah in lagu dhaqmo diinta Islaamka,
waana mid aan cid ka
gorgortami kartaa jirin. Waxaase sidoo kale waajib
diini ah ayadana in mujtamaca la
kasbado, islamarkaasna hab ama si ay wax u qaadan
karaan loogu sheego. Taas waxan ula
jeedaa in wacyi gelintu ay ka horreyso in la soo rogo
qawaaniin dadka dan u ah balse
aysan garanayn inay dan u tahay. Waxaan leeyahay waa
in la qanciyo dadka si ay iyagu
dhaqankooda u baddelaan.
Sida
caadada ha, qofku waxa uusan garanaynin waxa uu kala
horyimaadaa diidmo qayaxan,
wanaag kasta oo ay leeyihiin. Maxkamadaha Islaamiga
ah way ku ku ammaanan yihiin amniga
ay ku soo dabbaaleen Caasimadda iyo meelaha ay ka
taliyaan, waana ay ku mahadsan yihiin
dadaalkooda weyn. Ha yeeshee, waa inay ku dadaalaan
inay la saaxiibaan dadka
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku dhaqan gobollada
ka baxsan caasimadda sida
Jubbooyinka. Dhacdooyinka ka dhacaya meelaha ka baxsan
caasimaddu waxa ay fursad siin
karaan dadka diidan in la hirgeliyo shareecada Islaamka.
Waxaa
habboon in oodo-dhacameed sida ay u kala sarreeyaan
loo kala qaado. Markii aad
ummad xumaan ka reebtana waa in aad u sahli karto
siyaabo kale oo xalaal ah oo ay
noloshooda kula soo bixi karaan.
Hadii
taas la waayo waxa imanaysa in qofkii uu ku fekero
sidii uu uga hortagi lahaa
howlaha ay wataan nidaamkan soo kordhay. Taasna wax
dan ah uguma jirin maxkamadaha
curdunka ah ee la hardamaya hagardaamooyinka waaweyn
ee uga imanaya dibadda.
Aniga
oo soo gabagabaynaya qoraalkan, waxaan kula talinayaa
hoggaanka maxkamaduhu inuu
marka hore wax ka qabto arrimaha waaweyn ee ay dadku
u baahan yihiin, sida amniga,
deegaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo aafooyinka.
Waa in xooga ay saaraan dacwada iyo
wacyi-gelinta dadweynaha. Haddii ay dhacdo in la joojiyo
qaadka iyo waxyaalaha kalana,
waa in waqti ay badeecado kale ugu wareegi karaan
la siiyo. Haddii aan si kale u dhigo,
waxaan ku soo koobayaa xikmaddii ahayd magaalada Rooma
hal maalin kuma aysan dhismin.
|