|
(MUQDISHO TIMES)
Wararka Boosaaso ka imaanaya ayaa sheegaya in ay ku guul dareystay dadaal uu Col. C/laahi Yuusuf Axmed ku doonayay in uu isugu soo dhaweeyo dhinacyada isaga soo horjeeda xarigii Duqa Magaalada Boosaaso iyo arrimo kale, kuwaasoo laga cabsi qabo in ay colaad ka dhex abuuraan kooxaha maamulkiisa taageersan.
Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay in kuu rajo weyn yahay sidii uu ugu qancin lahaa kooxaha maamulkiisa ka tirsan ee isaga soo horjeeda qaabka loo wajahayo lacago been abuur ah oo la soo geliyay Boosaaso iyo Duqa Magaalada oo ku lug yeeshay lacagtaas, daraadeedna xabsiga loogu taxaabay taasoo si weyn u kala qeybisay maamulka Col. C/laahi Yuusuf.
|