|
Shir ay shalay ku yeesheen meel u jirta Magaalada Eldoret 100 km siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo guddiga farsamada IGAD ayaa waxaa ay iska soo dhex saareen guddi ka kooban 9 ruux oo soo xulaya ergada ka galayb galeysa shirka.
Guddigan la soo xulay ayaa kala ah:
1- Xuseen Maxamed Caydiid.
2- C/llaahi Yusuf Axmed
3- Xasan Abshir Farax
4- C/lle Deerow Isaq
5- Musse Sudi Yalaxow
6- Mowliid Macaani Maxamud
7- Xasan Maxamed Nuur (Shati gaduud)
8- Sheikh Adan Madoobe
9- C/llaahi Sheikh Ismail
Tiradii guud oo ahayd 400 boqol ayaa hadda lagu soo koobay 350 ayadoo la kala siiyay 250 siyaasiyiinta ah iyo 100 lagu soo koobay ururada bulshada.
Guddigan ayaa laga sugayaan sidii ay u kala siin lahaayeen xubaha ku soo toosaya qeyb walba oo ayda dooneysa in ay wax badan hesho.
Shirkaas oo socday ilaa iyo maqribinimadoo ayaa dhoor jeer hakad galay, yadoo kooxba kooxda kale doneyso in ay ka sadbadsato.
Nuxurka qybsiga leysku hayo oo aheyd 50 xubnood oo lagu kordhiyey 300 boqol ee loogu talagalay ka qeyb galayaasha shirka Eldoret, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in SRRC Damac ka galay 50 xubnood, taasina ay keentay is mariwaa sababay gudigii 9 gaalka ahaa awoodi waa yaan in ay ku guuleystaan xal u helida ciladii markii horaba loo magacaabay.
Taas ayaa keentay in mar labaad dib loogu celiyo gudiga farsamada ee IGAD, gudigaas oo horay u soo bandhigay qoondo wax qeybsi oo kama danbeys ah, taas oo ay ku gacan seertay kooxada SRRC aydoo aan kala harina shirka lagu kala dareersaday.
Mr. Mwangaale ayaa la sheegay in uu aad uga xunyahay caqabaddan soo food saartay shirka.
|