|
GAROWE,20th August 2002(Source:Hiiraan-online)
Madaxaweynaha maamul gobaleedka Puntalnd Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu shalay gaaray magaalada Garawe ee gobalka Nugaal ka dib markii sodaal laba maalmood qaatay uu ku tagay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Warar ku dhow dhow Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegaya in uu Col-ku qorsheynayo in uu gaari doono magaalada laas-Caanood ee gobalka Sool, wuxuuna sidoo kale C/llaahi Yuusuf caddeeyey mar wax laga weydiiyey socdaalkiisa inuu tagi doono dhowaan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu yaraan labo qof ayaa lagu waramayaa inay shalay ciidamada Col. C/laahi Yuusuf ku dileen deegaanka Libow oo ku dhow Qardho iyo gudaha Boosaaso.Wararku waxay sheegayaan in ay dadka deegaanka Laasacaanood ay xiisad ku dhalisay imaashaha Col. C/laahi Yuusuf iyadoo uu is casilay gudoomiyhii gobalka Sool ee maamulka Somaliland qalalaasahaan soo kordhay aawgiis .
Dhanka kale ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa la geeyey gobalka Sool, iyadoo maamulka Soomaaliland uu dadaal dheer ugu jiro sidii uu ugu hor istaagi lahaa imaashaha Col. Yuusuf Axmed ee magaalada laascaanood, taasoo looga cabsi qabo in booqashada Col C/laahi Yuusuf ay sababi karto in ay isku dhacaan labada dhinaca waa Puntland iyo Somalilandn oo mid waliba ku sheeganayo in maamul ahaan gobalka Sool isaga uu hoostago.
Dadka ku dhaqan gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laas caanood ayaa waxay u qaybsameen laba qaybood oo kala taageersan maamulada Puntland iyo Somaliland sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo naga soo gaaray magaalada Laascaanood, waxayna u muuqataa xaaladda laascaanood iminka mid aad u kacsan.
|