|
Xubno ka tirsan duqowda iyo Nabadonadda degaanka Gobolka Banadir ayaa cabasho ka muujiyay boob dhul oo ka socda Agaagaarka Degaanka Jabbad Cadde ee u dhaxeeya Degmada Dayniile iyo Wabiga Shabeele.
Malaaq Showri Malaaq Colow oo qoraal uu soo saaray ku muujiyay in ragg ka tirsan Dowladda Ku Meelgaarka ah ee waqtigoodii dhamaaday ay dhul goofo ah ay falal boob ah kula kaceen , wuxuuna Malaaq Showri sheegay in haddii aan laga waantoobin boobkaas ay cawaaq xumo ka dhalan doonto.
Malaaq Showri waxaa kaloo ku caddeeya Qoraalkaas in qaabka lagu boobayo dhulalkaas uu yahay mid aan sharci ahayn , lagana hortagi doono cid Allaha ciddii isku dayda in ay ku xad gudubto.
|